Ku Saabsan Beerta Banaadir
Ku Saabsan Beerta Banaadir
Beerta Banaadir waa goob dalxiis, madadaalo, waxbarasho iyo nasasho oo loogu talagalay in ay noqoto meel ay qoysaska, carruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn ku wada qaataan waqti tayo leh.
Beertu waxay isku keentaa adeegyo iyo fursado kala duwan oo ay ka mid yihiin ciyaaraha carruurta, madadaalada dadka waaweyn, waxbarashada carruurta, goobaha sawirrada, hoolalka xafladaha, maqaayado iyo coffee shops, iyo gym-yo loogu talagalay ragga iyo dumarka.
Ujeeddada Beerta Banaadir waa in Muqdisho iyo Soomaaliya laga helo goob casri ah oo isku keenta madadaalo, qoys, waxbarasho, caafimaad iyo dalxiis, iyadoo la abuurayo jawi ammaan ah, nadiif ah oo qof walba uu ku raaxaysan karo.
Hadafkeena
Hadafka Beerta Banaadir waa in aan abuurno goob casri ah oo ammaan, nadiif ah oo tayo leh, taas oo bulshada Soomaaliyeed u horseedda madadaalo, dalxiis, waxbarasho, caafimaad iyo waqti tayo leh oo qoyska lala qaato.Waxaan ka shaqaynaynaa in aan carruurta siino goobo ay ku ciyaaraan kuna bartaan, dadka waaweynna ay ka helaan madadaalo, nasasho iyo adeegyo caafimaad, halka qoysaskuna ay helaan meel ay si wadajir ah ugu raaxaystaan.
Himiladeenna
Himilada Beerta Banaadir waa in ay noqoto goobta ugu horreysa ee dalxiiska, madadaalada iyo qoysaska ee Soomaaliya, isla markaana ay noqoto astaan muujisa horumarka, quruxda iyo fursadaha cusub ee Muqdisho.Waxaan hiigsanaynaa mustaqbal ay Beerta Banaadir noqoto meel ay dadka gudaha Soomaaliya iyo dalxiisayaasha caalamku u yimaadaan madadaalo, nasasho, xaflado, waxbarasho iyo waqti tayo leh.
